Waxaa loo baahan yahay in farsamooyinka dhaqameed ee lagu xalliyo khilaafaadka si habboon loo adeegsado si loo dhiso nabad waarta—Maxamed Idriis - ENA Af-Soomaali
Waxaa loo baahan yahay in farsamooyinka dhaqameed ee lagu xalliyo khilaafaadka si habboon loo adeegsado si loo dhiso nabad waarta—Maxamed Idriis

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 3/2017 (ENA): Magaalada Adhaama waxaa ka socda madal qaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Nabadda, taas oo ay ka qaybgalayaan hoggaaminta nabaddgalyada iyo amniga ee dhammaan dawlad deegaannada iyo labada maamul magaalo ee dalka.
Intii uu madasha ka hadlayay, Wasiirku wuxuu ku adkeeyay mowduuca “Xoojinta Nabadda si loo gaaro Isku-xidhnaanta Qaranka,” isagoo sheegay in Itoobiya ay ku jirto safar dhanka midnimada qaranka ah, ayna horey uga hirgashay guulo wax ku ool ah oo dhinaca horumarka ah sannadadii la soo dhaafay, balse ay muhiim tahay in lagu saleeyo xoojinta nabadda.
Wuxuu ku boorriyay hoggaaminta nabadda iyo amniga ee dalka in ay sii xoojiyaan kaalintooda, isla markaana bulshada lagu dhiirrigeliyo in ay horumariyaan qiimaha wadajirka iyo iskaashiga, maadaama ay arrintaasi door weyn ka ciyaarayso dhismaha nabad waarta.
Wasiirku wuxuu xusay in nabad waarta lagu gaadhi karo iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka dhaqameed ee xalinta khilaafaadka, lana xalliyo dhibaatooyinka si nabad ah, taas oo gacan ka geysan doonta in dalka loo gudbiyo jiilalka soo socda isagoo ka wanaagsan kana ammaan badan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya