Addis ababa waxa ay u Noqotay magaceega oo kale – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Addis ababa waxa ay u Noqotay magaceega oo kale – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh

Addis Ababa; Naaf/Nahase 3/2017 (ENA): Addis Ababa waa magaalo horumaraysa oo ka soo dhalaalaysa cududda ubadkeeda, waxayna noqonaysaa mid qurux badan, taasna waxaa lagu keenay dadaalka dadka ku dhaqan, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka, Temesgen Tiruneh.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo fariin uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ayaa sheegay in marinada addis ababa iyo horumarka jiinka wabiyadu ay bog cusub u fureen taariikhda caasimadda, taas oo muujinaysa in ay u gudubtay waa cusub oo horumarineed.
Waxa kale oo uu sheegay in magaalooyinka halbeega u ah ay yihiin bogag laga akhriyi karo ilbaxnimada dalalka, ilaalinta dheelitirka dabiiciga ah, heerka nolosha dadka iyo hawlaha guud ee horumarka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Addis Ababa ay tahay magaalo horumarsan oo ifaysa oo cudud adag oo caruurteeda leh, isla markaana ay qurux iyo bilic ku soo baxayso dadaalka dadka deegaanka, isla markaana noqonaysa mid magac ku leh ficil ahaan.
Caasimadda dalkeena iyo Afrika ma aha oo kaliya goob bilicda iyo adeegyada hufan, ma aha madadaalada oo kaliya ee waa nolol raaxo leh, wixii intaa ka baxsanna waxay astaan u tahay horumarkeena, taasoo ka turjumaysa horumarka xawliga ah ee ka socda guud ahaan dalkeena, ayuu ku yidhi farriintiisa.
#Itoobiya
#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya