Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa kormeeray mashruuca horumarinta Jiinka Wabiyaasha ee Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa kormeeray mashruuca horumarinta Jiinka Wabiyaasha ee Addis Ababa

Addis Ababa; Naaf/Nahase 3/2017 (ENA):-Raysal wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa kormeer ku tagay mashruuca horumarinta jiinka wabiyaasha ee magaalada Addis Ababa isaga oo ay weheliyaan xubnaha golaha xisbiga barwaaqo.
Farriin uu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ayuu ku sheegay in Wabiyaal caafimaad qaba oo si wanaagsan loo dayactiray aysan ilaalinayn deegaanka iyo tayada biyaha kaliya, balse ay abuuraan goobo fagaare ah oo firfircoon oo horumariya hab-nololeedyada bulshada, xoojiyana adkeysiga magaalooyinka.
Wuxuuna sheegay in mashruucani uu gaarsiin doono ilaa 5-magaalo hoosqad, isaga oo uu dhererkiisu dhan yahay 21.5 KM.
Waxa kale oo uu sheegay in mashruucan uu ka kooban yahay waddooyin badan oo dadka lugaynaya, baaskiilada, barxadaha dadweynaha, barxadaha baabuurta la dhigto, garoommada carruurta, dukaamo iyo masarxyo.
Waxa kale uu farriintiisa ku sheegay in marka uu mashruucu dhamaado, kaliya uu ilaalin doonin deegaanka, balse waxa kale oo uu Addis Ababa ka dhigayaa magaalo leh webiyaal firfircoon oo horumarsan, taas oo kor u qaadeysa dhaqaalaha magaalada iyo heerka nolosha dadka magaalada ku dhaqan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya