Xubnaha Golaha Xisbiga Barwaaqo, maxay yihiin qodobbada ay si gaar ah diiradda u saari doonaan?

👉 Doorashadii 7aad ee Qaranka waxay noqonaysaa mid dimoqraadiyad, sharci, iyo ka-qaybgal ballaaran oo shacabka ah, iyadoo xisbiga Barwaaqo hoggaaminayo oo xubnihuna si firfircoon uga qayb qaadanayaan iyadoo la kaashanayao shacabka.

👉 Si gaar ah diiradda loo saaro sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka adeegyada bulshada, loona kordhin lahaa tirada dadka ka faa’iideysta adeegyadaas.

👉 In la baabi'iyo colaadaha gudaha ee sabab u ah kala qeybsanaanta bulshada, isla markaana la dardar geliyo midnimada qaran, lana ciribtiro qabiilaysiga iyo shaqsiyaadka faquuqa dadka.

👉 In la wacyigeliyo shacabka si ay u fahmaan qiyamka iyo himilooyinka xisbiga, loona dhiirrigeliyo inay noqdaan halgamaa u taagan horumarinta dalka.

👉 Dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad ee dalka laga maamulo in uu ku socdo jacaylka dalka iyo danahiisa, lana xakameeyo dhaqaalaha sharci darrada ah ee carqaladeynaya dhaqaalaha iyo nabadda.

👉 Socodsiinta safarka horumarka ee Itoobiya si degdeg ah loo gaaro iyadoo la adeegsanayo xeeladaha “Samir, adkaysi, iyo midnimo”.

🔹 Ka hortagga iyo iska caabinta shirqoolada cadowga.

🔹 Kordhinta dadaal dheeraad ah oo lagu horumarinayo dalka dhamaan dhinacyada nolosha.

🔹 Dhiirrigelinta dhaqanka iyo fikradaha xisbiga oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqamada wanaagsan, baabi'inta caadooyinka xun, iyo is-xilqaan joogto ah oo lagu hormarinayo dalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015