Dayactirka iyo dhismaha 150,000 oo guri oo loogu talagalay dadka danyarta ah ayaa ka socda deegaanka Oromiya - ENA Af-Soomaali
Dayactirka iyo dhismaha 150,000 oo guri oo loogu talagalay dadka danyarta ah ayaa ka socda deegaanka Oromiya

Adama; Naaf/Nahase 2/2017 (ENA): Xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee deegaanka ayaa ku dhawaaqay in dayactirka iyo dhismaha 150,000 oo guri loogu talagalay dadka danyarta ah ay ka socoto deegaanka Oromiya xiliyada adeega iskaa wax u qabso ee xagaaggan.
Madaxa xafiiska, Marwo Imebet Baaja, ayaa ENA u sheegtay in sidoo kale la sii xoojinayo adeegga iskaa wax u qabso ee laga fulinayo deegaanka qaybta haweenka iyo carruurta.
Waxa ay sheegtay in si gaar ah isha loogu hayo dayactirka iyo dhismaha guryaha hooyooyinka danyarta ah.
Waxa ay sheegtay in ilaa hadda la dayactiray oo la dhisay in ka badan 29,000 oo guri.
Sidoo kale, waxay sheegtay in taageero loo fidinaayo hooyooyinka aan haysan wax dhaqaale ah, si ay u shaqeystaan, waxna uga bedelaan.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in mashaariicda raadka cagaaran iyo taakulaynta agabka waxbarashada ay ka qayb qaadanayaan ururada haweenka heerarkooda kala duwan.
Waxa uu sheegay in in ka badan 3 milyan oo arday ah lagu taageerayo agabka waxbarashada si loo hubiyo in ardayna uu uga maqan yahay iskuulka sababo la xiriira agab waxbarasho.
Sidoo kale waxaa la sheegay in maamulka deegaanku uu wado howlo ay uga faa’ideysanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada 72 qeybood oo ay ugu magacdareen adeega muwaadinimo.
Sidaas awgeed, waxaa la arkay in balaayiin dollar oo kharash ah oo lagu bixinayey adeegyada iskaa wax u qabso ee deegaanka laga bilaabo sannadkii 2011 ilaa 2017 T.I miisaaniyadda dawladda.
#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya