Itoobiya iyo Turkmenistan oo ku heshiiya in si wadajir ah loo xalliyo caqabadaha ka dhasha marin badeed la’aanta

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 30/2017 (ENA): Itoobiya iyo dalka Turkmenistan ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay in si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan xalinta caqabadaha la xiriira helitaan la’aanta marin badeed, iyo sidoo kale in ay xoojiyaan iskaashiga joogtada ah ee dhinacyada ganacsiga iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay u qabanayso wadamada aan dekedaha lahayn (UNLLDC3) oo hadda ka socda dalka Turkmenistan kuna saleysan hal-ku-dhegga “Iskaashi loogu beddelayo isbeddel” ayaa fursad u noqday wada hadalkan.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Dr. Alemu Sime iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Turkmenistan Naasir Hallnasarooyj Aghahanof, kuwaas oo yeeshay wada-hadallo muhiim ah.

Labada wasiir waxay isla qaateen in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xal u helidda caqabadaha la xiriira helitaanka dekedaha, iyo in ay abuuraan xalka gaadiidka raqiiska ah oo dardar geliya kobaca dhaqaale iyo ganacsi.

Wasiirradu waxay xuseen in caqabadaha ay la kulmaan ay ka mid yihiin kharashka sare ee gaadiidka, ku tiirsanaanta buuxda ee waddamada dariska ah, iyo xasillooni darrada juqraafi siyaasadeed ee saamayn ku yeelata marinada ganacsiga.

Dr. Alemu Sime ayaa sheegay in la’aanta marin badeed muddo dheer ay hor istaagtay horumarka waddamada qaar, isagoo tilmaamay in shirkan caalamiga ahi uu yahay fursad weyn oo caqabadahaas loogu beddeli karo fursado horumarineed.

Wasiir Aghahanov ayaa dhinaciisa xusay in iskaashiga joogtada ah uu yahay furaha lagu xallin karo caqabadaha heysta waddamada aan dekedda lahayn, isla markaana uu horseedi karo xidhiidh ballaaran oo lagu sarrifayo badeecado, adeegyo iyo fikrado si xor ah.

Wasiirkan ayaa sidoo kale xusay in dalkiisu uu ka go’an yahay in uu dhiso kaabayaal horumarsan iyo in uu fuliyo heshiisyada lagama maarmaanka u ah hirgelinta arrintan.

Sidoo kale, Aghahanof wuxuu xusay in Itoobiya ay tahay waddan muhiim ah oo ku yaalla albaabka Afrika, halka dalkiisa uu yahay iridda laga galo bartamaha Aasiya, taas oo muhiimad u yeelaysa iskaashiga labada dhinac.

Ugu dambayn, labada wasiir waxay muujiyeen kalsoonidooda ku aaddan in shirkan uu bixin doono xalal muhiim ah oo wax ku ool ah oo u furan waddamada aan dekedaha lahayn, iyagoo sheegay in ay ku heshiiyeen aasaaska iskaashi cusub oo ganacsi oo ku saleysan nidaam wax ku ool ah.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015