Tignoolajiyada casriga ah oo loo keenayo dalka si loo horumariyo beeraha

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 30/2017 (ENA): Itoobiya waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u xaqiijin lahayd isku filnaanshaha cuntada iyadoo dalka keeneysa tignoolajiyado casri ah oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha.

Mudane Gasahany Birru, Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulimaadka Qaranka, ayaa sheegay in diyaarado casri ah oo loogu talagalay buufinta kiimikada lagu soo dejiyey dalka iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Beeraha. Diyaaradahaasi waxay beddelayaan hababkii hore ee dib u dhigayey wax-soo-saarka, waxayna sare u qaadayaan tayada buufinta kiimikada.

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradahaasi ay door muhiim ah ka ciyaarayaan dadaallada lagu horumarinayo beeraha, gaar ahaan xallinta dhibaatooyinka ay sababaan haramaha iyo cayayaanka oo hoos u dhigaya wax-soo-saarka beeraleyda.


 

Adeegsiga diyaaradaha waxa uu kordhinayaa waxtarka wax-soo-saarka iyo yareynta dhibaatooyinka ka dhasha buufinta kiimikada ee lagu sameeyo dhulka. Tani waxay yeelan doontaa saameyn togan oo weyn.

Sidoo kale, diyaaradahaasi ayaa si gaar ah ugu habboon in si fudud looga shaqeeyo dhul beereed ballaaran, taasoo muhiim u ah dalalka leh dhul-beereed weyn sida Itoobiya.

Beeraleyda iyo khubarada ka shaqeeya degmooyinka ay adeegyadaasi gaareen ayaa tilmaamay in diyaaradahaasi ay badbaadiyeen xoog iyo waqti badan oo hore loogu bixin jiray buufinta kiimikada ee gacanta lagu samayn jiray.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015