Mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Itoobiya oo xukun lagu riday - ENA Af-Soomaali
Mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Itoobiya oo xukun lagu riday

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 30/2017 (ENA): Maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya ayaa xukun xabsi ku ridday laba mas’uul oo hore uga tirsanaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo ku takri-falka awoodeed.
Tameru Ginbeto, oo horey u ahaa ku-xigeenka Agaasimaha Guud iyo madaxa waaxda diiwaangelinta iyo kormeerka, ayaa lagu helay inuu si sharci-darro ah hoos ugu dhigay ganaax lacageed oo lagu lahaa muwaadiniin ajaanib ah, isagoo u beddelay lacag doolar ahayd in lagu bixiyo birr, islamarkaana uu ka dhaafay $14,000 oo ganaax ah. Waxaa lagu xukumay 8 sano oo xabsi adag iyo ganaax dhan 1,000 birr.
Sidoo kale, Jilalu Bedru, oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda kormeerka muwaadiniinta ajnabiga ah, ayaa lagu helay inuu ku lug lahaa bixinta fiisayaal iyo rukhsado shaqo oo sharci-darro ah, waxaana lagu xukumay 4 sano oo xabsi adag ah.
Maxkamaddu waxay sheegtay in falalkooda ay sabab u noqdeen in dowladda Itoobiya ay weydo lacag doolar ah oo gaaraysa $31,467, taas oo ahayd ganaaxyo la filayay in la bixiyo.
Dacwado kale oo la xiriira bixinta fiisayaal been abuur ah oo la siiyay muwaadiniin u dhashay Shiinaha ayaa sidoo kale lagu soo oogay, iyadoo lagu eedeeyay in waraaqaha shaqada lagu helay fiisayaashaasi ay ahaayeen kuwo la been abuuray.
Maxkamaddu waxay sheegtay in dambiyada lagu helay eedeysanayaasha lagu caddeeyay markhaatiyo iyo dukumenti rasmi ah, waxayna sheegtay in xukunka uu qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda Itoobiya kula jirto musuqmaasuqa.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya