Itoobiya oo martigalinaysa shirka isbedelka cimilada ayaa ka qaybgalayaasha tusinaysa waxqabadkeeda ku saabsan isbeddelka cimilada - ENA Af-Soomaali
Itoobiya oo martigalinaysa shirka isbedelka cimilada ayaa ka qaybgalayaasha tusinaysa waxqabadkeeda ku saabsan isbeddelka cimilada

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 30/2017 (ENA): Itoobiya, oo ah waddanka martigelinaya shir weyn oo ku saabsan isbeddelka cimilada, ayaa muujin doonta waxqabadkeeda ku aaddan la tacaalidda isbeddelka hawada, sida uu sheegay Wasiiru Diwlaha Qorsheynta iyo Horumarinta, Siyum Mekonnen.
Wasiiru Diwlaha ayaa sheegay in Itoobiya ay shirkan ku soo bandhigi doonto natiijooyinkii ay ka gaadhay dadaalladeeda la xiriira ilaalinta deegaanka, adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karo, iyo hawlo kale oo la xiriira horumarinta cagaaran.
Shirka, oo ah kii labaad ee Afrika ee ku saabsan isbeddelka cimilada, ayaa dalalka Afrikaanka ah fursad u siin doona in ay soo bandhigaan fikrado xal u noqon kara isbeddelka cimilada iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradahooda.
Wasiiru Dowluhu wuxuu xusay in shirka uu Afrikaanka ka dhigi doono kuwo leh doorkooda muhiimka ah ee ka hortagga cimilada, kuna hogaamin kara dadaallada xal raadinta heer caalami.
Waxaa la filayaa in shirka ay kasoo qayb galaan madax ka socota 45 waddan iyo in ka badan 25,000 oo qof. Markuu shirku soo gabagaboobo, waxaa la filayaa in dalalka Afrikaanka ah ay soo saaraan mowqif mideysan oo ay ku wajahaan isbeddelka cimilada.
Mowqifka Afrika ayaa lagu soo bandhigi doonaa shirka caalamiga ah ee COP30 ee dhici doona bisha saddexaad ee 2018TI, si uu u noqdo aragtida iyo mowqifka guud ee Qaaradda Afrika.
Itoobiya waxay shirkaas u martigalin doontaa iyada oo kaashanaysa Midowga Afrika, waxaana la qaban doonaa laga bilaabo bisha Baagumē 3 ilaa 5 Sebtember 9–11, 2025.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya