Madaxweynaha Itoobiya ayaa sagootiyey Danjirayaasha Jarmalka iyo Masar

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 28/2017 (ENA):  Madaxweynaha Federaalka Dimuqraadiyadda Itoobiya, Taye Asqasilaase, ayaa si rasmi ah u sagootiyey danjirayaashii Jarmalka iyo Masar ee dhamaystay muddadii shaqadooda ee dalka Itoobiya. Labada danjire ee la sagootiyey waxay kala yihiin Danjire Jens Hannefeld oo u fadhiyey Jarmalka, iyo Danjire Mohamed Omar Gad oo u fadhiyey Masar.

Madaxweyne Taaye ayaa uga mahadceliyey labada danjire doorkii ay ka qaateen horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee dalalkooda iyo Itoobiya. Wuxuu xusay in ay kor u qaadeen iskaashiga saaxiibtinimo.


 

Madaxweyne Taaye iyo Danjire Mohamed Omar Gad waxay si gaar ah uga wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee Itoobiya iyo Masar, iyaga oo muujiyey in labada dal ay yihiin kuwo uu si dabiici ah u xiriiriyo webiga Abay. Madaxweynaha wuxuu adkeeyey baahida loo qabo in kheyraadka dabiiciga ah si cadaalad ah loo wadaago.

Danjirayaasha ayaa bogaadiyey Iskaashiga
Labada danjire waxay u mahadceliyeen dowladda Itoobiya iyo shacabka, iyaga oo xusay in Itoobiya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ku dhex leh Afrika. Waxay sidoo kale tilmaameen in ay ku dadaaleen xoojinta xiriirka intii ay joogeen.


 

Danjire Jens Hannefeld wuxuu xusay in sanadkan ay Jarmalka iyo Itoobiya u dabaaldegayaan 120 sano oo xiriir diblumaasiyadeed ah. Wuxuu tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid qotodheer oo dhaxal gal ah, lana rabo in la sii xoojiyo mustaqbalka.

Danjirayashii la sagootiyey waxay ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Itoobiya xitaa marka ay dalkooda ku laabtaan. Waxay sidoo kale caddeeyeen in doodaha iyo kala duwanaanshaha laga dhex heli karo xal waara iyada oo aan la dhex galin dhinac saddexaad.

Hadalkaasi wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, dan-wadaag iyo wadahadal si looga gudbo caqabadaha ayna horey u socdaan xiriirka Itoobiya iyo dalalka caalamka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015