Wadahadal lagu xalliyo khilaafaadka waa mas’uuliyad Qaran oo qof walba saaran

Harar, Afagaal/Hamle 29/2017 (ENA): Golaha Wadajirka Ah Ee Ururrada Diimaha Itoobiya ayaa sheegay in xalinta khilaafaadka iyo dhibaatooyinka iyadoo loo marayo wadahadal ay tahay mas’uuliyad saaran qof walba si loo sugo nabadda iyo midnimada dalka.

Golaha afaraad ee Golaha Ururrada Diimaha Itoobiya oo lagu qabtay shirweyne heer qaran ah oo ku saabsan nabadda ayaa lagu soo gunaanaday farriimo nabadeed iyo baaqyo ay gudbiyeen madaxda sare ee ururrada diimaha iyo wakiiladooda.

Madaxda iyo wakiilada ururrada diimaha oo ka hadlayey xiritaanka shirka ayaa caddeeyey sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan dadaallada nabadeed iyaga oo yiri: “Shaqada nabadda lagu xaqiijinayo waan sii labanlaabaynaa.”


 

Waxay sidoo kale xuseen in ay diyaar u yihiin in ay door muuqda ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo isfaham la’aanta iyadoo la adeegsanayo wadahadal si loo sugo nabad waarta.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay in nabad iyo xasillooni waarta ay ka hirgasho dhammaan daafaha Itoobiya ay u baahan tahay in qof walba kaalin ka qaato, isla markaana uu diyaar u ahaado in uu ka shaqeeyo midnimo iyo nabad iyadoo la marayo wadahadal.

Waxaa sidoo kale la shaaciyey in shirka shanaad ee Golaha Ururrada Diimaha Itoobiya lagu qaban doono Dowlad Deegaanka Koonfurta Itoobiya.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015