Waa in la hagaajiyaa nidaamka ganacsiga caalamiga ah ee eexda ku dhisan oo dhib ku haya dalalka aan bada lahayn— Guterres - ENA Af-Soomaali
Waa in la hagaajiyaa nidaamka ganacsiga caalamiga ah ee eexda ku dhisan oo dhib ku haya dalalka aan bada lahayn— Guterres

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 29/2017 (ENA): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo habeeyo nidaamka ganacsiga caalamiga ah ee hadda jira oo si aan caddaalad ahayn u saameeya dalalka aan bad lahayn.
Shirweynihii 3aad ee Qaramada Midoobay ee dalalka aan bada lahayn oo hadda ka socda dalka Turkmenistan ayuu Guterres kaga hadlay arrintan.
Wuxuu xusay in in ka badan 30 waddan oo ka tirsan dalalka aan bad lahayn ay wajahaan caqabado dhaqaale oo ballaaran oo ka dhashay xaaladdooda juqraafiyeed.
Xoghayaha guud wuxuu sheegay in dalalka aan bad lahayn aysan ahayn in lagu ciqaabo xadna looga dhigo ka qaybgalka dhaqaalaha adduunka, islamarkaana waa in laga qaado caqabadaha hortaagan sida kharashaadka badan ee gaadiidka iyo xannibaadaha kale ee ganacsi.
Inkastoo dalalkan ay yihiin 7% dadka caalamka, haddana ka qaybgalka ay ku leeyihiin dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah wuxuu ka yar yahay 1%, ayuu yiri Guterres.
Wuxuu intaas ku daray in nidaamka ganacsiga adduunka ee hadda jira uu yahay dhaxal ka haray nidaamkii gumeysiga oo aan la jaanqaadin xaqiiqooyinka cusub ee adduunka maanta.
Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah sidii loo heli lahaa nidaam ganacsi oo caddaalad ah oo faa'iido u leh dhamaan waddamada, lana furo fursado horumarineed oo la’eg, gaar ahaan kuwa aan bad lahayn.
Shirka waxaa ka qaybgalaya wafdi sare oo Itoobiya u matalaya Dr. Alemu Sime, Wasiirka Gaadiidka iyo Lojsitikska.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya