Shirkii Nabadda ee Hay’adaha Diimaha Itoobiya ayaa ka socda Garoonka Imaam Axmed ee Harar

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 29/2017 (ENA): Shirweynihii afraad ee Qaran ee Hay’adaha Diimaha Itoobiya oo ah shir nabadeed ayaa maalintiisii labaad ka socda garoonka Imaam Axmed ee magaalada Harar.

Shirkan nabadda oo cinwaankiisu yahay “Diimuhu ha noqdaan Nabadda, Midnimada iyo Wadajirka” ayaa si rasmi ah uga socda magaalada Harar, gaar ahaan garoonka weyn ee Imaam Axmed.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay hoggaamiyeyaasha sare iyo wakiillada hay’adaha diimaha, madaxweyne ku-xigeenka dawlad deegaanka Harar Marwo Roosa Cumar, Wasiirka Nabadda Dr. Khayradiin Tasaraa, iyo xoghayaha guud ee Golaha Hay’adaha Diimaha Itoobiya Qaasis Taagaay Taadhale.

Sidoo kale waxaa ka qaybgalaya masuuliyiinta hay’adaha diimaha ee deegaannada iyo magaalooyinka, masuuliyiinta xafiisyada nabadda iyo amniga, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda deegaannada, culimada, odayaasha dhaqanka, isimada iyo dadweyne kale.


 

Shirka ayaa loogu talagalay in uu dhiirrigeliyo ilaalinta nabadda, doorka ay dadweynuhu ku leeyihiin nabad-dhisidda, iyo sidii nabad waarta uga dhalan lahayd guud ahaan dalka, iyada oo culimada iyo dadka caqiidada leh laga rabo inay sii xoojiyaan kaalintooda.

Shirka sidoo kale wuxuu ujeedkiisu yahay in bulshada la baraarujiyo si Itoobiya ugu istaagto nabad, midnimo iyo wadajir waara.

Waxaa la filayaa in hoggaamiyeyaasha diimaha ay soo jeediyaan fariimo iyo baaqyo nabadeed oo bulshada ku wajahan.

Shirkan afraad ee Hay’adaha Diimaha Itoobiya oo ku saabsan nabadda ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Golaha Hay’adaha Diimaha Itoobiya iyo kan deegaanka Hararida.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015