Ololaha Raadka Cagaaran ee Itoobiya ayaa noqday mif faa’iido badan leh— Aadan Faarax - ENA Af-Soomaali
Ololaha Raadka Cagaaran ee Itoobiya ayaa noqday mif faa’iido badan leh— Aadan Faarax

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 24/2017 (ENA): Ololaha sannadlaha ah ee Itoobiya ay ku beerto dhirta cagaaran ayaa loo arkay mid si qoto dheer looga faa’iidaysto, sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Itoobiya ahna Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax.
Aadan Faarax ayaa ololaha sanadkan ka daahfuray magaalada Jigjiga, isagoo sheegay in la bilaabay beerista 700 milyan oo geed, taasoo qayb ka ah qorshaha qaran ee sannadlaha ah.
Wuxuu sheegay in ololahan uu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka isbedelka cimilada, abuurista shaqooyin cusub, iyo kor u qaadidda wax-soosaarka dalka.
Shacabka ayaa la sheegay inay si firfircoon uga qeyb qaadanayaan ololaha maadaama ay fahmeen faa’iidooyinkiisa waaweyn.
Ugu dambayntii, ololahan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid kaalin weyn ka qaadanaya xallinta isbeddelka cimilada ee caalamiga ah, loona baahan yahay in qof walba doorkiisa ka qaato.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya