Ololaha Raadka Cagaaran ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarka dhaqaale ee Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Tamasgan Tirunah

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 24/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka JDFI, Mudane Tamesgen Tiruneh, Mudane Aadan Faarax, Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed, masuuliyiin iyo shaqaalaha dawladda ayaa dhir-beeris qayb ka ah barnaamijkani ka sameeyay xaafadda Dul-qabow ee magaalada Jigjiga.


 

Sanadkan 2017 T.I, waxaa la qorsheeyay in deegaanka laga beero dhir dhan 14 milyan oo geed, taasoo maanta qaybo ka mid ah oo dhan 2.5 milyan oo geed si guud loo beeri doono; kuwaasi oo isugu jira geedaha kaymaha, geed midhoodka, geedaha calafka iyo geedaha qurxinta.

Barnaamijka Dhaxal-reebka Cagaaran ayaa laga dhaxlay faa’iidooyin badan oo muhiim ah, kuwaas oo ka mid ah soo nooleynta dhulka nabaad-guuray, shaqo abuurka, kor-u-qaadidda cunnada iyo qurxinta magaalooyinka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Raadka_Cagaaran

Wakaalada Warka Itoobiya
2015