Itoobiya waxay ku jirtaa marxalad ay dhidibada u taagayso horumar waara – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay ku jirtaa marxalad ay dhidibada u taagayso horumar waara – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

https://www.facebook.com/share/v/16mNsCBDMG/
Addis Ababa, Afagaal/Hamle 23/2017 (ENA): Itoobiya waxay ku jirtaa marxalad ay si dhab ah ugu dhiseyso saldhig adag oo horumar waara lagu gaari karo, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.
Ra’iisul Wasaaruhu fariin uu ku baahiyay bartiisa baraha bulshada, waxa uu ku sheegay in lagu soo gabagabeeye magaalada Addis Ababa shirkii labaad ee Cuntada Adduunka (UNFSS+4), kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Qaramada Midoobay.
Waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay caddeysay sida ay uga go’an tahay inay u beddesho mowqifkeedii adag ficil muuqda, iyada oo muujisay maalgashi ballaaran oo ay ku samaysay nidaamka cuntada ee dalka.
Wuxuu sheegay in iyagoo adeegsanaya maarayn xooggan oo heer deegaan ah, dhaqaalaha cagaaran ee aan la tijaabiyay, iyo fidinta horumar aasaasi ah oo dhammaan qaybaha kala duwan taabanaya, ay Itoobiya hormuud u tahay ballaarinta helitaanka waxbarashada, abuurista fursado shaqo, iyo kobcinta suuqyada maxalliga ah – taasina ay tahay saldhig ay dhiseyso si ay u gaarto horumar waara.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in martigelinta shirkaasi muhiimka ah iyo sidii ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen martidii ka timid daafaha dunida, ay muujinayso sharafta yo karaamada sare ee Itoobiya ay leedahay.
Ugu dambeyntii, martida wakhtiga kooban joogtay dalka waxa uu ku dhiirrigeliyay inay booqdaan taariikhda dheer ee dalka, dhaqanka hodanka ah, iyo quruxda dabiiciga ah ee Itoobiya – oo ah meel ay asal ahaan ka soo jeedaan arrimo badan.