Itoobiya ayaa dadaal ugu jirta inay si buuxda u hirgeliso Barnaamijka quudinta dugsiyada hoose

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 22/2017 (ENA):  Itoobiya ayaa sheegtay in muddo shan sano gudahood ah ay dooneyso in si buuxda loo xaqiijiyo barnaamijka quudinta ardayda dugsiyada hoose, si dhammaan carruurta u helaan cunto isku dheelitiran xilliga waxbarashada, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Brof. Birhaanu Nagaa.

Wasiirka ayaa arrintan kaga hadlay madal dood furan oo lagu qabtay Shirka 2-aad ee Qaramada Midoobay ee Nidaamka Cuntada, isagoo xusay dadaalka ballaaran ee ay Itoobiya gelinayso horumarinta barnaamijkan muhiimka ah.

Wuxuu sheegay in quudinta ardayda dugsiyada hoose ay qayb ka tahay yoolalka horumarka waara ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan qorshaha 2030, kaas oo diiradda saarayaa in dhammaan carruurtu ay helaan cunto ku filan oo nafaqo leh.

Itoobiya waxay sidoo kale soo bandhigtay isbeddelada iyo dadaallada la taaban karo ee ay ku muujisay barnaamijka quudinta ardayda, iyada oo tusaale u noqotay waddamada Afrika ee dadaalka muuqda ka sameeyay arrintan.

Wasiirka wuxuu xusay in dalku uu dadaal xooggan ku bixinayo sidii yoolka 2030 ee ah in dhammaan ardayda dugsiyada hoose la quudiyo loo gaari lahaa, iyadoo la hirgelinayo tallaabooyin wax ku ool ah oo laga fulinayo heer qaran iyo gobolba.

Dowladda ayaa qorshahan ku dartay miisaaniyadda qaranka, waxayna sheegtay in dowlad deegaannada dalka ay si buuxda u garawsadeen muhiimadda arrintan, islamarkaana ay u muujinayaan xilkasnimo iyo taageero muuqata.

Barnaamijka quudinta ardayda ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilka soo koraya, wuxuuna yahay hannaan wax ku ool ah oo lagu yareyn karo saboolnimada.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015