Itoobiya oo Lagu Ammaanay Doorkeedii Muhiimka Ahaa ee Shirka Cuntada Adduunka - ENA Af-Soomaali
Itoobiya oo Lagu Ammaanay Doorkeedii Muhiimka Ahaa ee Shirka Cuntada Adduunka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 22/2017 (ENA): Adeegga Xidhiidhka Dowladda ayaa sheegtay in Itoobiya ay door muuqda ka ciyaartay Shirka 2-aad ee Cuntada Adduunka oo ay martigalisay, iyadoo la wadaagtay khibradeeda iyo xalalka la xiriira hagaajinta nidaamka cuntada.
Shirkan oo ay si wadajir ah u abaabuleen Itoobiya iyo Talyaaniga, isla markaana ay gacan ka siisay Qaramada Midoobay, waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa, iyadoo ay ka soo qayb-galeen madax kala duwan, khubaro dhinaca beeraha ah, hay’ado iyo daneeyayaal kale oo ka tirsan bahda cuntada.
Shirka ayaa dib u eegis ku sameeyay guulaha iyo caqabadaha la xiriira isbeddelka nidaamka cuntada sanadadii la soo dhaafay, isagoo sidoo kale iftiimiyay jihada loo socdo.
Intaa waxaa dheer, Itoobiya waxay fursad u siisay shirkan in ay la wadaagto dadaalladeeda ku wajahan xaqiijinta madaxbannaanida cuntada, yareynta isbeddelka cimilada – gaar ahaan iyada oo ku faantay in sannad walba la beero balaayiin geed – iyo guulaha laga gaaray dhisidda nidaam cunto oo waara.
Shirka ayaa si qoto dheer diiradda u saaray hirgelinta yoolalka horumarka waara ee 2030, iyadoo sidoo kale laga dooday fursadaha iyo jihada lagu gaari karo horumar ku saleysan nidaam cunto oo xasilloon.
Itoobiya waxay tusaale u soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada sida horumarinta wax-soosaarka xilliyada roobka iyo jiilaalka, beeraleyda magaalooyinka, iyo dadaallada cagaaran sida ololaha dhir-beerista.
Waxaa kale oo Itoobiya ka faa’iideysatay fursadda shirkan si ay u xoojiso iskaashiga caalamiga ah iyo kan gobolka, iyadoo sidoo kale bandhigtay natiijooyinka wanaagsan ee ka dhashay isbeddelada waaweyn ee dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta la xiriirta beeraha.
Sannadkii la soo dhaafay, Itoobiya waxay martigalisay in ka badan 150 shir oo heer qaran iyo heer caalami ah. Tani waxay sare u qaadday sumcadda dalka ee dhinaca dalxiiska shirarka, iyadoo ay xoojiyeen isbeddelada muuqda ee muuqaalka magaalooyinka, kobaca adeegyada, dhaqanka martigelinta dadka, cimilada deggan iyo awoodda diblomaasiyadeed ee sii kordheysa.
Dowladdu waxay u mahadcelisay hay’adaha amniga, ganacsatada bixiya adeegyada, daneeyayaasha kale iyo shacabka sida sharafta leh u soo dhoweeyay martida ka soo qayb gashay shirkan muhiimka ah.
Adeegga Xidhiidhka Dowladda, Itoobiya
Afagaal/Hamle 22, 2017 T.I
#Ethiopia
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya