Itoobiya iyo Pakistan ayaa heshiis ka gaadhay la dagaallanka Isbedelka Cimilada - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Pakistan ayaa heshiis ka gaadhay la dagaallanka Isbedelka Cimilada

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 23/2017 (ENA): Safiirka Itoobiya ee Pakistan, Danjire Dr. Jamaal Bakar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Batroolka iyo Isbedelka Cimilada ee Pakistan, Dr. Musadiiq Mascuud Maalik. Kulankaasi waxa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee la xiriira la dagaallanka isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.
Labada masuul waxay ka wadahadleen in la kobciyo xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada deegaanka iyo raadka ay isbedelka cimiladu ku yeeshay labada waddan. Danjire Dr. Jamaal Bakar ayaa sharaxaad ka bixiyay dadaallada Itoobiya ay wado si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada, isagoo carabka ku adkeeyay kaalinta weyn ee uu leeyahay Ololaha Raadka Cagaaran, kaasoo xooga saaraya beeraleynta ballaaran, kobcinta kaymaha, la dagaallanka nabaad guurka, ilaalinta kheyraadka biyaha iyo la tacaalida cimilada isbedelaysa.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay door firfircoon ka ciyaarto shirarka iyo madalaha caalamiga ah, isla markaana ay si joogto ah u codsato caddaalad cimiladeed, iyadoo ku dhiirrigelinaysa dalalka horumaray in ay u hoggaansamaan ballanqaadyadooda la xiriira arrimaha deegaanka.
Dr. Musadiiq Mascuud Maalik ayaa dhankiisa si weyn u ammaanay Ololaha Raadka Cagaaran ee Itoobiya, isagoo ku tilmaamay mid tusaale fiican u noqon kara dalalka kale ee soo koraya. Waxa uu sheegay in Pakistan ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu nugul isbedelka cimilada, sidaas darteedna ay diyaar u yihiin in ay ka faa’iidaystaan khibradda Itoobiya.
Ugu dambeyn, Safaaradda Itoobiya ee Pakistan ayaa xaqiijisay in Pakistan ay muujisay go’aan adag oo ay ku doonayso in ay si dhow ula shaqeyso Itoobiya, si ay u hirgeliso qorshe la mid ah Raadka Cagaaran oo laga hirgeliyo gudaha Pakistan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya