Shirka Gudiga Sare ee Mashaariicda DRIVE iyo BREFONS ayaa lagu qabtay Jigjiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 23/2017 (ENA):  Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay shir muhiim ah oo uu soo qabanqaabiyay Barnaamijka Adkaysiga Abaaraha ee IGAD, kaasoo lagu gorfeeyay horumarka iyo qorshayaasha mashaariicda DRIVE iyo BREFONS ee hoos yimaada Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Shirkan oo uu guddoominayay Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada Deegaanka Soomaalida, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin heer deegaan iyo federaal ah, xubnaha guddiga hagista mashaariicda, iyo iskuduwaha guud ee mashaariicda DRIVE iyo BREFONS. 

Intii lagu guda jiray kulanka waxaa si qoto dheer looga hadlay warbixinno la xiriira waxqabadkii sanadka 2017 ee mashaariicdan, gaar ahaan doorkooda ku aaddan u adkaysiga abaaraha iyo horumarinta nolosha xoolo-dhaqatada.

Mashruuca BREFONS wuxuu si gaar ah uga hawlgalaa 9 degmo oo ka tirsan deegaanka, halka DRIVE uu ka shaqeeyo dhammaan 11-ka gobol iyo 95 degmo ee deegaanka. Labadan mashruuc ayaa ah kuwo muhiim u ah kobcinta adeegyada xoolo-dhaqatada, ilaalinta xoolaha, kor u qaadista suuqyada xoolaha, iyo xoojinta damaanad qaadka cuntada iyo dhaqaalaha deegaanka.

Dr. Cabdiqaadir oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa muujiyay muhiimadda ay leeyihiin mashaariicdan, isagoo xusay in ay wax weyn ka beddeleen nolosha bulshada reer guuraaga ah. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in guddiga sare uu isla qaatay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo shirarka joogtada ah ee lagu qiimeeyo waxqabadka, laguna hagaajiyo qorshayaasha mustaqbalka.

Ugu dambayn, shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay qodobo muhiim ah oo lagu adkaynayo iskaashiga, hufnaanta iyo xawaaraha fulinta mashaariicda, iyadoo diiradda la saarayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada deegaanka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015