Wafti uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa kormeer ku soo sameeyay mashaariicda horumarineed ee laga hirgaliyay Caasimadda Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Wafti uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa kormeer ku soo sameeyay mashaariicda horumarineed ee laga hirgaliyay Caasimadda Jigjiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 22/2017 (ENA): Wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayna wehliyeen masuuliyiin sare oo heer deegaan ah, xubno ka socday federaalka, iyo bahda warbaahinta dalka, ayaa maanta kormeer ku soo maray mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada deegaanka, kuwaas oo laga hirgeliyay gudaha caasimadda Jigjiga.
Kormeerka Waftigu oo u jeedkiisu aha in bahda warbaahinta dalka lasoo tuso horumarka baaxada lah ee isbadalki kadib ka hanaqaaday deegaanka, ayaa waxa ay si gaar ah u indha-indheeyeen dhismaha cusub ee Xarunta Baarlamaanka DDS, mashruuca horumarinta marinada magaalada Jigjiga, adeeg-bixinta guud ee cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabare, iyo mashruuca dalxiiska ee Shabeeley oo haatan maraya heer gabogabo ah.
Intii uu socday kormeerka, bahda warbaahinta dalka ayaa si wayn u bogaadiyay sida ay mashaariicdan u yihiin kuwo wax-ku-ool ah oo si muuqata kor ugu qaaday bilicda magaalada iyo tayada adeegyada loo fidiyo bulshada.
Waxa kale oo ay xuseen in qaarkood lagu dhammeeyay muddo kooban, taas oo muujinaysa dadaalka xukuumadda deegaanka ee ku aaddan hirgelinta adeegyo baahiyaha bulshada daboolaya.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya