Itoobiya iyo Isku-tegga Imaaraadka Carabta waxay mar kale xaqiijiyeen inay ka go'an tahay inay sii xoojiyaan xidhiidhka beeraha, ganacsiga iyo maalgashiga - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Isku-tegga Imaaraadka Carabta waxay mar kale xaqiijiyeen inay ka go'an tahay inay sii xoojiyaan xidhiidhka beeraha, ganacsiga iyo maalgashiga

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 23/2017 (ENA): Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkooda dhinacyada Beeraha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Girma Amente (Dr.) oo ka qayb-galaya Shir-Madaxeedka Labaad ee Nidaamka Cuntada, ayaa wada-hadallo la yeeshay Wasiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada Imaaraadka Amna Al-Dehak (Dr.).
Wasiirada ayaa ka wada hadlay xiriirka xooggan iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Wasiirka Beeraha Girma Amente (Dr.) ayaa sharaxay awoodda Itoobiya ee dhanka beeraha iyo shaqada ay qabanayso.
Waxa kale uh sheegay in Itoobiya ay u dhoofiso bunka iyo wax soo saarka xoolaha dalka Imaaraadka Carabta; waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkan.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay haysato fursado badan oo dhanka maalgashiga beeraha ah, waxaana uu ku macneeyay in maalgashadayaasha Imaaraadku ay ka qayb qaadan karaan habaynta beeraha, warshadaha bacriminta iyo qaybo kale.
Dr. Amna Al-Daxak, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay inay rajeynayaan inay Itoobiya kala shaqeeyaan dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.
Maalgashadayaasha Imaaraadku waxa ay danaynayaan ka qayb qaadashada qaybaha maalgashiga beeraha.
Wasiirada ayaa isku raacay in laga shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal si looga faa’ideysto fursadaha dhinacyada beeraha, ganacsiga iyo maalgashiga.
#Wakaalladda_Wakaalka_Itoobiya