Qodobbadii Muhiimka ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed uu ka jeediyay Shirweynihii Labaad ee Nidaamka Cuntada ee Qaramada Midoobay:

✍️Himiladeennu waa cadahay: Waa in dhalinyarada iyo dadka waayeelka ah ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka Itoobiya ay helaan cunto ammaan ah, nafaqo leh, tayo leh, oo ku filan. Si tan loo gaaro, in ka badan 700 oo qorshe hawleedyo ah ayaa la hirgeliyay.

✍️Dowladdu waxay dadaal xooggan ugu jirtaa la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyadoo ka faa’iideysaneysa hindisaha cagaaran, halkaasoo in ka badan 40 bilyan oo geedo ah la beerayo si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada.

✍️Itoobiya waxay si firfircoon u yaraynaysaa ku-tiirsanaanta dibadda, iyadoo si xeel dheer u horumarinaysa wax-soo-saarka gudaha si ay isku filnaansho cunto u gaarto.

✍️Afrika waxay u baahan tahay maalgelin xasaasi ah oo cadaalad ah oo ku saleysan deyn la aqbali karo, si ay u horumariso beeralayda iyo nidaamka cuntada ee deegaanka ku saleysan.

✍️Itoobiya waxay horay ugu socotaa dhanka isdhexgalka caalamiga, iyadoo aan kaliya ku filneyn wax-soo-saarka qamadiga, balse sidoo kale ku wajahan suuqyada dibadda.

✍️Nidaamka cuntada ee adduunka wuxuu galay xaalad tijaabo ah: Cadaadisyada badan ee haysta nidaamka cuntada waxay dhaawacayaan sharafta aadanaha waxayna khatar gelinayaan xasilloonida dalalka.

✍️Itoobiya waxay ku taamaysaa in ay dhisto nidaam cunto oo waara, cadaalad ah oo aan la jabin karin, taasoo dadkuna ay ka faa’iideysan karaan, iyadoo ah waddo lagu xaqiijinayo mustaqbal ifaya oo shacabka u horseeda horumar.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015