Qodobbadii Muhiimka ahaa ee Madaxweyne Ku-xigeenka Liberia, Jeremiyah Koung, uu ka jeediyey Shirweynihii Labaad ee Nidaamka Cuntada:

✍️Dowladaha, Qaramada Midoobay, hay’adaha gaarka loo leeyahay, ururrada bulshada rayidka ah, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waa inay ka gudbaan hadal una gudbaan ficil si ay u beddelaan nidaamka cuntada. Isla xisaabtankana waa arrin mudan in la adkeeyo.

✍️Hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo bangiyada horumarinta dhinacyada badan waa in ay kordhiyaan taageeradooda maaliyadeed iyo maalgelinta nidaamka cuntada. Waxaa muhiim ah in dalalka Afrika ay helaan maalgelin la awoodi karo oo la heli karo si ay u horumariyaan nidaamyadooda cuntada.

✍️Iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay waa lagama maarmaan si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha iyo in laga yareeyo ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.

✍️Liberia waxay sugidda cunnada iyo nidaamka cunnada ka dhigtay mid kamid ah tiirarka horumarinta qaranka.

✍️Sugnaanta cuntada, dhismaha awood u adkaysata isbeddelka cimilada, iyo horumarinta dhabta ah ee dhinaca beeraha waa qayb ka mid ah ajendaha qaran ee Liberia.

✍️Liberia waxay si buuxda u aaminsan tahay in qaybta gaarka ah ay tahay matoorka horumarka. Sidaas darteed, waxay dhiirrigelinaysaa maalgashiga iyo hal-abuurka si loo gaaro isbeddel waara oo lagu horumarinayo nidaamka cunnada.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015