Qodobbadii Muhiimka ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka jeediyay Shirweynihii Labaad ee Cuntada ee Qaramada Midoobay: - ENA Af-Soomaali
Qodobbadii Muhiimka ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka jeediyay Shirweynihii Labaad ee Cuntada ee Qaramada Midoobay:

✍️Isbeddelka dhabta ah ee laga sameeyo dhanka beeraha ma ahan ikhtiyaar, ee waa waajib qaran kaasoo looga golleeyahay in la xaqiijiyo himilooyinka qaran.
✍️Dagaallada, isbedelka cimilada, sinaan la’aanta dakhliga, iyo caqabadaha kale ee caalamiga ah ayaa cadaadis xooggan saaraya nidaamka cunnada ee dunida.
✍️Beesha caalamka waa inay taageertaa dadaallada lagu doonayo in lagu beddelo nidaamka cunnada. Waxaa muhiim ah in la bixiyo maalgelin caddaalad ku saleysan oo la xiriirta isbeddelka cimilada, taageerada farsamada iyo hal-abuurka.
✍️Shirkan waa inuu noqdaa mid waddamada ay si rasmi ah dib ugu cusboonaysiiyaan ballanqaadkoodii ku aaddanaa abuurista nidaam cunto oo waara, adkaysi leh, isla markaana dadka oo dhan ka faa’iidaystaan. Waa waqtigii adduunka oo dhan uu isku duubnaan lahaa si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada.
✍️Inkasta oo Soomaaliya ay wajahday caqabado, haddana waxay qaaday tallaabooyin lagu beddelayo nidaamka beeraha iyo cunnada. Waxay si hufan uga shaqaynaysaa horumarka joogtada ah, iyadoo la hubinayo in aan cidna dib uga hadhin.
✍️Soomaaliya waxay ku dartay beeraha in uu noqdo tiir muhiim u ah Qorshaheeda Qaran ee Isbeddelka, waxaana ay si firfircoon uga shaqaynaysaa hirgelinta qorshahan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya