Qodobadii Muhiimka ahaa ee Madaxweynaha Kenya, Williyam Ruuto, uu ka jeediyay Shirweynihii Labaad ee Qaramada Midoobay ee Nidaamka Cuntada:

✍️In kasta oo nidaamka cuntada adduunka uu leeyahay qiimo dhaqaale oo gaaraya 10 ilaa 12 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dunida (oo u dhigma $8 ilaa $10 trillion), haddana ma uusan suurtagelin in si caddaalad ah loogu faa’iideeyo dalalka horumaraya. Nidaamka cuntada caalamiga ah wuxuu u baahan yahay isbeddel qoto dheer oo la jaanqaadaya xaqiiqooyinka cusub.

✍️Inkasta oo horumar laga sameeyay dhinacyada wax-soo-saarka iyo kobaca dhaqaalaha, haddana balaayiin qof ayaa weli la ildaran gaajo, cunto yari, iyo dhibaatooyin la xiriira helitaanka cunto ku filan. Sidoo kale, cudurrada la xiriira nafaqo-xumada iyo cuntada xad-dhaafka ah ayaa si isa soo taraysa u kordhaya.

✍️Nidaamyada cuntada ee aan waarida lahayn waxay horseedayaan nabaad guurka dhulka, hoos u dhaca noocyada kala duwan ee noolaha, isbeddelka cimilada, iyo dhibaatooyin kale oo deegaanka ah.

✍️Istaraatiijiyadda cuntada waa inuu la jaanqaado siyaasadaha qaranka iyo qorshayaasha horumarinta. Waxaa loo baahan yahay in la hagaajiyo nidaamka maamulka iyo in la abuuro hannaan is-waafaqsan oo keeni kara natiijo muuqata.

✍️Siyaasadaha nidaamka cuntada waa inay noqdaan kuwo dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay ka qayb qaataan. Waa in la xoojiyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah, garaadka macmalka ah, iyo teknoolojiyadda beeraha ee ka hortagi kara isbeddelka cimilada.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015