Qodobadii Muhiimka ahaa ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antoniyo Guterres, ka jeediyey Shirweynihii Labaad ee Nidaamka Cuntada:

✍️ Dalalka waxay heli doonaan fursad ay ku dhimaan wax-soo-saarka cunto ee laga keeno dibadda, haddii ay hirgeliyaan siyaasad cunto oo waara, taas oo sal u ah la-dagaalanka isbeddelka cimilada iyo kobcinta wax-soo-saarka ee wax-ku-oolka ah ee beeraha.

✍️ Beddelka nidaamka cuntada ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya gaarista 17-ka Yool ee Horumarka Waara. Waa lagama maarmaan in la dardargeliyo horumarka iyadoo la xaqiijinayo isbeddel waara iyo sugnaanta cuntada, iyadoo lala imanayo dadaal wadajir ah.

✍️ Dalalka soo koraya waxay u baahan yihiin cafis dayn iyo maalgelin ku filan. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la beddelo qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamiga ah.

✍️ Kala dambeyn la’aanta nidaamka ganacsiga ayaa sababtay in qiimaha cuntada uu cirka isku shareero, taas oo xadidaysa awoodda dadku u leeyihiin inay helaan cunto ammaan ah oo caafimaad qaba.

✍️ Talaabooyinka hadda lagu ballaarinayo siyaasadaha cuntada ee la jaanqaadaya cimilada waxay kor u qaadi doonaan awoodda wax-soo-saarka gudaha, taas oo dhimmaysa ku tiirsanaanta cuntooyinka dibadda laga keeno.

✍️ Itoobiya waxay qabatay shaqooyin la yaab leh oo la xiriira sidii ay isku filnaansho cunto u gaari lahayd.

Magaalada Addis Ababa oo ah caasimadda Afrika ayaa si rasmi ah u martigelisay shirweynihii labaad ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan nidaamka cuntada, waana maalintii labaad ee uu shirka si rasmi ah u socdo.

Maalintii ugu horreysay ee shirka waxaa la siiyey muhiimad gaar ah iyadoo lagu dhawaaqay inay tahay “maalin ficil”, waxaana lagu qabtay munaasabad furitaan ah oo ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay ee Addis Ababa, gaar ahaan ururka Guddiga Dhaqaalaha Afrika.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015