Waxaan arkay Itoobiya oo ku jirta socdaal cajiib ah oo cilmiyeed iyo hal-abuurnimo – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Kuuba Horkhe Lueis

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 22/2017 (ENA): Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Kuuba Horkhe Luwis ayaa sheegay inuu ku afkay Matxafka Sayniska Itoobiya oo ku jirta socdaal cajiib ah oo cilmiyeed iyo hal-abuurnimo.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Kuuba Horkhe Luwis Tapia Fonseka ayaa booqday Matxafka Sayniska isaga uu wehelinayo Ra'iisul Wasaare kuxigeen Temesgen Tiruneh.

Waxay soo kormeereen bandhigyada joogtada ah ee madxafka oo ku saabsan garaadka macmalka, ka hortagga isbedelka cimilada, beeraha, biyaha iyo tamarta, iyo sidoo kale la xiriira diyaaradaha iyo duulista.


 

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Horkhe  ayaa sheegay in madxafka Sayniska uu ku soo arkay Itoobiya oo socdaal la yaab leh oo dhanka cilmiga iyo hal-abuurka ku socda.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay tusaale cad u tahay sida Afrika ay u bedelayso dhaqamada xun ee dib u dhaca iyada oo la adeegsanayo farsamooyin la taaban karo oo tignoolajiyadeed iyo hal-abuurnimo.

Waxa kale oo uu xusay in Matxafka Saynisku aanu ka tarjumayn xaaladda Afrika ee hadda jirta kaliya balse uu sidoo kale ka tarjumayo aragtidiisa ku aaddan waayaha tignoolajiyada ee mustaqbalka.

Waxaa la sheegay in Itoobiya iyo Kuuba ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya arrimaha kor u qaadaya faa'iidooyinka labada dhinac ee dhinaca tignoolajiyada.

#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015