Ismamulka diri dhabe oo si rasmi ah looga daahfuray xuska 7aadka xiisaha diri dhabe wareegiisa 4-aad - ENA Af-Soomaali
Ismamulka diri dhabe oo si rasmi ah looga daahfuray xuska 7aadka xiisaha diri dhabe wareegiisa 4-aad

Dirdhaba; Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Xuska xiisaha 7-aadka Dirdhaba wareegiisa 4-aad ayaa sanadan halku dhig looga dhigay xiisaha diri dhabe waa horumarinta barwaaqada Diri dhabe ayaa si rasmi ah uga furmay.
Iyadoona lagu bilaabay socod dadweyne iyo ciyaaraha qaybihiisa kaladuwan
Maamulka Diri dhabe oo uu horkacayo Duqa IDD Mudane Khadir Johar ayaa ka furay munaasabadda xuska 7aadka xiisaha diri dhabe taaso laga bilaabay fagaaraha tareenka magaalada, iyadoona shacabka magaalada, marti sharaf iyo masuuliyiin kale oo maamulka ka tirsan ay ka qaybgaleen.
Duqa IDD Mudane Khadir Johar ayaa sheegay in xuskan 4-aad ee xiisaha diri dhabe uu socon doono muddo shan maalmood ah, waxaana uu tilmaamay in la qaban doono munaasabado kala duwan oo bulshada magaalada u muujinaya horumarka iyo wadajirka.
Afhayeenka golaha wakiillada shacabka ee IDD marwo fadxiya aden ayaa xustay in xuskani afartii sano ee lasoo dhaafay ahayd fursad lagu kulmiyo dadka magaalada iyo qurba-joogta magaalada u dhalatay si wada jira.
Waxay sheegtay in socodka dadweynaha iyo ciyaaruhu ay door weyn ka ciyaaraan kobcinta caafimaadka iyo isku xirnaanta bulshada; iyana in laxoojiyo ciyaaraha iyo jimicsiga maadama ay qayb kayihiin caafimadka dadwaynaha.