Horumarka laga gaaray qeybta Macdanta waxay horseedeen isbeddel la taaban karo - ENA Af-Soomaali
Horumarka laga gaaray qeybta Macdanta waxay horseedeen isbeddel la taaban karo

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 2/2017 (ENA): Wasiirka Macdanta ee Itoobiya, Inj. Habtamu Tageny, ayaa sheegay in tallaabooyinka horumarineed ee laga sameeyay qeybta macdanta ay keenayaan isbeddel wax ku ool ah.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ugu deeqday qalab muhiim ah oo ay ku jiraan 29 gawaadhi iyo 81 kombuyuutar laabtob ah, kuwaas oo qiimahoodu kor u dhaafayo 350 milyan oo birr iyadoo loogu deeqay dawlad deegaannada, maamulka magaalada Diri Dhaba, Machadka Cilmibaarista Juqraafiga Itoobiya, iyo Machadka Horumarinta Warshadaha Macdanta,
Injineer Habtamu, oo ka hadlayey xilligii uu ku wareejinayey qalabkan, wuxuu tilmaamay in taageeradan ay salka ku hayso guulaha laga gaaray qeybta macdanta ee sanad-miisaaniyadeedka la soo dhaafay, si loo dardargeliyo natiijooyin waara oo ka sii dhasha horumarkaasi.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in taageerada la siiyay dawlad deegaannada ay wax weyn ka tari doonto kor u qaadidda wax soo saarka qeybta macdanta.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirku wuxuu xusay in sanad-miisaaniyadeedkii la soo dhaafay ay Itoobiya dhoofisay macdan kala duwan, taasoo calaamad u tahay isbeddel dhab ah oo laga gaaray suuqyada caalamiga ah.
Dhankiisa, Agaasimaha Horumarinta Khayraadka Macdanta ee Dawlad Benishangul-Gumus, Mudane Adhmaasu Morka, ayaa sheegay in taageeradan ay wax weyn ka tari doonto dhibaatooyin hore oo ay la kulmeen gaar ahaan dhinaca gaadiidka, taasoo sare u qaadaysa waxqabadkooda.
Ugu dambayntii, Taadhese Tashoome, oo ah Madaxa Xafiiska Maamulka ee Hay’adda Horumarinta Macdanta ee Oromiya, ayaa sheegay in horumarinta qeybta macdanta ay u baahan tahay kharash badan iyo taageero joogto ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya