Miisaaniyadda Dawlad Deegaanka Soomaalida oo ka badan 65 bilyan oo birr ayaa la ansixiyay - ENA Af-Soomaali
Miisaaniyadda Dawlad Deegaanka Soomaalida oo ka badan 65 bilyan oo birr ayaa la ansixiyay

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Golaha Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ayaa ansixiyay miisaaniyadda guud ee sanad-miisaaniyeedka 2018 T.I, taasoo ka badan 65.7 bilyan oo birr.
Miisaaniyadda waxaa lagaga dooday kal-fadhigii 9aad ee Golaha Lixaad ee sanad-shaqeedkooda 4aad.
Madaxa Xafiiska Maaliyadda ee deegaanka, Dayib Axmed, ayaa sheegay in miisaaniyadda cusub ay korodhay 62% marka la barbar dhigo tii sanad-miisaaniyeedkii hore ee 2017.
Waxaa sidoo kale la sheegay in kala bar kharashaadka dowladda deegaanka lagu dabooli doono dakhliga gudaha laga soo aruuriyo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya