Isbedelka nidaamka cuntada oo la waafajiyay horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa miro dhal keenay— Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Isbedelka nidaamka cuntada oo la waafajiyay horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa miro dhal keenay— Dr. Abiy Axmed

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay guulo muuqda ka gaartay diyaarinta khariidadda isbeddelka nidaamka cuntada oo lagu waafajiyay isbeddelka dhaqaalaha ee heer qaran, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida cuntada ee dalka.
Wuxuu xusay in Afrika ay u baahan tahay maalgelin dhinaca nidaamka cunto si ay u casriyeyso beeraha ugana hortagto saameynta isbeddelka cimilada.
Shirka labaad ee nidaamka cuntada oo Itoobiya ay si wadajir ah ula qabanqaabisay Talyaaniga iyo Madasha Nidaamka Cuntadda, ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa, xarunta Guddiga Dhaqaalaha Afrika.
Shirka waxaa lagu soo bandhigay natiijooyin wax ku ool ah oo laga gaadhay barnaamijyada cagaaran, kor u qaadidda wax-soosaarka qamadiga, kordhinta wax-soosaarka galleyda, iyo mashruuca quudinta dugsiyada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay si go’aan leh uga shaqeyneyso hoos u dhigista wax-soosaarka cuntada ee laga keeno dibadda, si dalku iskiis isu filnaado.
Wuxuu intaa ku daray in taas ay ka tarjumeyso himilada Itoobiya ee ku aaddan in la dhiso nidaam cunto oo sugan oo waara, si muwaadiniintu uga faa’iidaystaan, isla markaana loo dhiso mustaqbal ifaya.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay khariidadda isbeddelka nidaamka cuntada ku dhawaaqday markii ugu horreysay intii lagu guda jiray shirkii hore ee nidaamka cuntada, khariidaddaasina ay si buuxda ula jaanqaadayso isbeddelka dhaqaalaha ee dalka.
Waxaa la sheegay in isbeddelkaas uu ku saleysan yahay dib-u-habaynta siyaasadda la xiriirta beeraha iyo maaraynta dhulka, si nidaamka cuntada ee dalka loo sugo uu una waaro.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in in ka badan 700 qorshe hawleedyo ah laga hirgeliyay dalka oo dhan si loo gaaro nidaam cunto oo isku dheellitiran.
Wuxuu xusay in isbeddellada la sameeyay ay haatan miro dhal sameeyeen.
Wuxuu sheegay in dadaal xooggan la geliyay sidii loo xoojin lahaa sugnaanta cuntada iyadoo loo marayo kobcinta wax-soosaarka galleyda, hirgelinta heshiisyo la xiriira dalaggyada, iyo kor u qaadista tayada wax-soosaarka.
Dowladdu waxay sheegtay in ay ku guuleysatay in ay beerto in ka badan 40 bilyan oo geed iyadoo la adeegsanayo barnaamijka cagaaran, si looga hortago isbeddelka cimilada iyo in la ilaaliyo deegaanka.
Mashruuca quudinta dugsiyada ayaa lagu tilmaamay mid heer qaran ah oo diiradda saaraya carruurta iyo bulshada la tacaaleysa baahiyaha cuntada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Afrika ay wajahayso caqabado adag oo ku aaddan xaqiijinta madaxbannaanida cuntada, taasoo u baahan maalgelin la jaanqaadaysa horumarinta beeraha iyo horumarinta miyiga.
Wuxuu xusay in saboolnimada iyo isbeddelka cimilada aysan kala soocnayn, loona baahan yahay in maalgelinta cimilada lagu xiro nidaamka cuntada.
Inkastoo Afrika ay wax yar ku leedahay sababaha isbeddelka cimilada, hadana waxay tahay tan ugu badan ee dhibaatadu saameyso, sidaas darteedna maalgelinta cimilada waa in lagu xiraa horumarka dhabta ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Afrika ay u baahan tahay helitaanka fursado siman oo la xiriira adeegsiga tignoolajiyada casriga ah.
Wuxuu intaa ku daray in maalgashiga la xiriira isticmaalka dhulka iyo horumarinta waarta ee beeraha aan kaliya loo arkin gargaar, balse uu yahay iskaashi maalgashi oo waajib ku ah in si dhaqso ah loo hirgeliyo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Afrika looga baahan yahay nidaam cadaalad ku dhisan oo ay si dhab ah uga faa’iideysan karto tartanka ganacsi ee caalamiga ah.
Ugu dambeyntii, Itoobiya ayaa sidoo kale caddeysay inay si buuxda ugu diyaar garowday inay si wadajir ah ula shaqeyso Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya