Itoobiya iyo Kuuba oo ku heshiiyay xoojinta wada-shaqeyntooda - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Kuuba oo ku heshiiyay xoojinta wada-shaqeyntooda

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Itoobiya iyo Kuuba waxay ku heshiiyeen in ay xoojiyaan iskaashigooda dhinacyo kala duwan ah oo muhiim u ah labada dal.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya, Tamasgan Tirunah, oo fariin ku qoray barta uu ku leeyahay baraha bulshada, ayaa sheegay in uu shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Kuuba, Jorje Luis Tabiya Fonseka, oo ay ku kulmeen shirkii 2-aad ee Qaramada Midoobay ee Nidaamka Cuntada.
Tamasgan wuxuu xusay in Itoobiya iyo Kuuba ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed oo taariikhi ah oo muddo 50 sano ka badan jiray, isla markaana ay muhiim tahay in xiriirkaas la sii xoojiyo iyadoo laga shaqeynayo arrimo si wadajir ah dan ugu ah labada dhinac.
Kulankooda waxay diiradda ku saareen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyadoo labada dhinacba ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan wada-hadallada mira dhalka ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Kuuba wuxuu amaanay horumarka ay Itoobiya ku tallaabsatay sanadadii u dambeeyay, gaar ahaan dadaalka ay gelisay sidii ay u xaqiijin lahayd sugnaanta cunnada, wuxuuna ku tilmaamay dadaal mudan in la bogaadiyo.
Ugu dambaynt, wuxuu si gaar ah uga hadlay isbeddellada muuqda ee magaalada Addis Ababa, isagoo sheegay inay aad ula dhaceen.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya