Hadafkeennu ma aha in Afrika la taageero oo keliya, balse waa in la gaarsiiyo in ay isku filnaato – Joorjiya Meloni - ENA Af-Soomaali
Hadafkeennu ma aha in Afrika la taageero oo keliya, balse waa in la gaarsiiyo in ay isku filnaato – Joorjiya Meloni

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Joorjiya Meloni, ayaa sheegtay in hadafka waddankeeda uusan ahayn in Afrika taageero lagu sii wado, balse uu yahay in Afrika laga caawiyo si ay u noqoto mid isku filan.
Joorjiya Meloni waxay hadalkan ka jeedisay khudbad ay ka jeedisay shirweynaha 2-aad ee Qaramada Midoobay ee nidaamka cuntada oo ka socda magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.
Waxay sheegtay in Itoobiya loogu doortay martigelinta shirkan iyada oo lagu qiimeeyay dadaalka muuqda ee ay ku bixisay horumarinta nidaamka cuntada, iyo door hoggaamineed oo ay u tahay qaaradda Afrika, taasoo loo arko rajo lagu gaari karo xal waara.
Meloni waxay sidoo kale sheegtay in guusha ay Itoobiya gaartay ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wax-soo-saarka gudaha iyo ganacsiga cadaaladda ku saleysan, si Afrika uga gudubto baahida joogtada ah ee dibadda.
Waxay xustay in maanta dunida oo dhan ay ka jirto isku filnaansho cunto oo aad u hooseysa oo aan ka badneyn 10%, iyadoo dhibaatada ugu daran ay ka taagan tahay Afrika gudaheeda.
Ra’iisul Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintan xalkeeda u baahan yahay qorshe cad iyo iskaashi ballaaran oo ay ka qayb qaataan dhammaan daneeyeyaasha, si looga baxo dhibaatadaas.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in Midowga Yurub iyo waddankeeda Talyaanigu ay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaallada Afrika ee ku wajahan in ay gaarto isku-filnaansho cunto.
“Ujeeddadeennu ma aha in Afrika ay sii ahaato mid meel kale ku tiirsan, ee waa in ay noqoto qaarad isku tashata, gaar ahaan dhanka cuntada,” ayay tiri Joorjiya Meloni.
Ugu dambeyn, waxay sheegtay in dhibaatooyinka nidaamka cuntada aysan kaliya muujinaynin saboolnimo, balse ay si qoto dheer ugu xiran yihiin cadaaladda, sinnaanta iyo awood qaybinta. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay go’aan siyaasadeed oo adag si loo helo nidaam cunto oo waara iyo xaqiijinta madaxbannaanida dhabta ah ee Afrika.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya