Waxaa la qabtay kulan lagu qiimaynayo waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee waaxda maamulka hantida ee deegaanada dalka

Jigjiga; Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Waxaamaanta lagu qabtay magaalada jigjiga kulan lagu qiimaynayo waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee waaxda maamulka hantida ee deegaanada dalka.


 

 Kulankan ayaa lagu qiimaynayay waxqabadka sanad miisaaniyadeedka 2017T.I iyo dhaadhicinta qorshaha sanadka ee 201 8T.I ee Xisbiga Barwaaqo ee waaxda maamulka hantida ee deegaanada dalka. Madashani ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxa arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida mudane Faysal Rashiid, madaxa waaxda maamulka hantida ee Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee dalka mudane Burhanu Fayisa, madaxa waaxda maamulka hantida Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Marwo Malyuun Maxamed Cabdi iyo masuuliyiinta waaxda maamulka hantida ee Xisbiga Barwaaqo ee deegaanada dalka.


 

Mudane Faysal Rashiid, Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo kulankani furay ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu suurto galiyay in Deegaanka Soomaalida mudo kooban gudaheed laga hirgaliyo horumar balaadhan oo ay ugu horayso nabadgalyada iyo xasiloonida iyo kaabayaasha horumarieed, kuwaasi oo lagu xaqiijiyay midhihii isbadelka.


 

Dhankiisa Madaxa waaxda maamulka hantida xisbiga barwaaqo ee dalka Mudane Burhanu Fayisa ayaa sheegay in qorshihii sanadka 2017T.I ee u yaalay waaxda maamulka hantida ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka lagu guulaysatay 96.7 %.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015