Martida Ka qeyb galaysa shirka 2-aad ee sugnaanta nidaamka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaraysa Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Martida Ka qeyb galaysa shirka 2-aad ee sugnaanta nidaamka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaraysa Addis Ababa

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga Brazil, Wellington Diaz, iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee Sucuudiga, Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadl, ayaa gaadhay Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirka 2-aad ee nidaamka cuntada ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, wasiiru dowlaha Beeraha ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, Gregory Mutombo Kanjay, ayaa isna ka mid ah marti-sharaftii caawa fiidkii gaadhay Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirka.
Shirweynaha 2-aad ee Qaramada Midoobay oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa ka socda magaalada Addis Ababa, waxaana madaxda dalalka ka qeyb galaya ay gaarayaan magaalada Addis Ababa.
Wasiirada ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Saadka Denge Boru, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Tomas Tut, Wasiiru Dowlaha Cadaalada Belayhun Yirga, iyo Wasiiru Dowlaha Warshadaha Xasan Maxamed.
#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya