Madaxweyne ku xigeenka Nayjeeriya Kashim Shettima ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka sugnaanta cuntada ee Qaramada Midoobay

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Madaxweyne ku xigeenka dalka Nayjeeriya Kashim Shettima ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka labaad ee sugnaanta cuntada ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh.

Shirkii labaad ee sugnaanta cunnada oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Itoobiya, Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa laga bilaabo 22/07/2017.

Madaxda wadamada iyo ururada caalamiga ah ee ka qeyb galaya shir madaxeedka ayaa sidoo kale tan iyo shalay gaaray magaalada Addis Ababa..

Waxaana ilaa haatan soo gaaray Addis Ababa Madaxweynaha Kiinya William Ruto, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Joorji Meloni iyo marti sharaf kale.


#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015