Madaxweynaha Kiinya Wiliyam Ruto ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka 2-aad ee nidaamka cuntada ee Qaramada Midoobay

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 21/2017 (ENA): Madaxweynaha dalka Kiinya Wiliyam Ruto ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirka 2-aad ee nidaamka cuntada ee Qaramada Midoobay.

Shirweynaha 2-aad ee Sugnaanta Cuntada Adduunka oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Itoobiya, Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay ayaa ka socda magaalada Addis Ababa, waxaana magaalada Addis Ababa gaaray madaxda dalalka ka qeyb galaya shirka.

Madaxweynaha Kiinya Wiliyam Ruto ayaa xalay fiidkii gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirka.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015