Xisbiyada Siyaasadda waa inay xoojiyaan ka-qaybgalka tooska ah ee ay ka bilaabeen dhismaha dowladdnimada

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 16/2017 (ENA): Wasaaradda Nabadda ayaa sheegtay in xisbiyada siyaasadeed ay tahay inay sii xoojiyaan doorkooda togan ee ay ka qaateen geeddi-socodka dhismaha dowladdminada.

Wasaaradda Nabadda iyo Golaha Wadatashiga Xisbiyada Siyaasadeed ee Itoobiya ayaa si wadajir ah u qabtay shir-weynaha qaran ee nabadda oo halkudhig looga dhigay “Doorka Xisbiyada Siyaasadeed ee Sugidda Nabadda.”

Dr. Khayradiin Tasaraa Wasiiru Dowlaha Nabadda, ayaa sheegay in natiijada iskaashiga hay’adaha kala duwan ay horseedi karto nabad waarta.

Wuxuu xusay in maaddaama dhismaha dowladda federaalka Itoobiya uusan weli dhameystirneyn, uu jiro kala duwanaansho siyaasadeed, sidaas awgeedna loo baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago dhismaha dowlad adag.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sugidda nabadda iyo horumarka dalka ay u baahan yihiin iskaashi qaran oo lala yeesho heerarka kala duwan ee dowladda si loo gaaro nabad waarta.

Xisbiyada siyaasadeed ayaa loo baahan yahay inay si hufan u maareeyaan waayo-aragnimada xisbiyada badan ee dalka ka hana qaaday si ay gacan uga geystaan horumarka dalka iyo dhismaha nabad waarta.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ka-qaybgalka togan ee ay xisbiyada siyaasadeed bilaabeen uu u baahan yahay in la xoojiyo, si ay u qaataan kaalin mug leh dhismaha qaran adag oo ku dhisan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Wuxuu ku dhiirrigeliyey in shacabka Itoobiya ay ku xalliyaan khilaafaadkooda si miyir leh oo wadahadal ah, isla markaana ay taageeraan madalada wadatashiga qaran ee uu ka mid yahay Komishinka Wadatashiga Qaran si loo gaaro dhismaha dowladda adag.

Waxaa sidoo kale xisbiyada lagu boorriyay in ka dib doorashooyinka, ay mudnaanta siiyaan danta dalka oo ay ka qaybgalaan geeddi-socodyada wadahadalka si loo xalliyo isfaham la’aanta jira.

Ugu dambayntii, wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay sii xoojin doonto howlaha iswaafajinta ee ay ku dhiirrigelinayso in siyaasiinta, xisbiyada siyaasadeed, odayaasha dhaqanka iyo daneeyeyaasha kale ay doorkooda uga qaataan dhismaha qaran.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015