Golaha Fulinta Deegaanka Soomaalida ayaa kal-fadhigoodii 1aad ee S.M. 2018 T.I, ku ansixiyay bayaanno ay ka mid yihiin:

1. Bayaanka dib loogu aas-aasay Xafiiska Maleeshiyada – Ciidamada maleeshiyada oo ah ciidan door muhiim ah ka qaata sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanka ayaa yeelanaya qaab-dhismeed dhamaystiran, laga bilaabo heer deegaan ilaa heer degmo.

2. Bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawladda – Bayaankan waxa uu cadaynayaa, isla xisaabtanka maamulka ee ka dhasha ku xadgudubka sharciga marka la fulinayo iibka iyo maamulka hantida dawladda, si kor loogu qaado cadcaddaanta iyo helitaanka nidaamka iibka.

3. Bayaanka maamulka shaqaalaha dawladda Deegaanka Soomaalida – Bayaankan ayaa sahlaya in la sameeyo meelaynta iyo xulashada shaqaalaha dawladda iyadoo lagu salaynayo tartan, cadcaddaan, hufnaan iyo karti, xafiisyada dawladdana laga dhigo kuwo si wax ku ool ah u fuliya awoodaha, waajibaadka iyo masuuliyadaha loo igmaday.

4. Bayaanka wax ka badalka bayaankii dib loo habeeyay ee bayaaminta qaab-dhismeedka, awoodaha iyo waajibaadka hay’adaha fulinta.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015