Booliska Federaalka Itoobiya waxay diiwaangeliyeen guulo muhiim ah oo laga gaaray xaqiijinta nabadda iyo ammaanka—Jeneraal Dhamalaash Gabarmikaa'eel - ENA Af-Soomaali
Booliska Federaalka Itoobiya waxay diiwaangeliyeen guulo muhiim ah oo laga gaaray xaqiijinta nabadda iyo ammaanka—Jeneraal Dhamalaash Gabarmikaa'eel

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 16/2017 (ENA): Taliyaha Komishinka Booliska Federaalka Itoobiya Jeneraal Dhamalaash Gabarmikaa'eel ayaa sheegay in Booliska Federaalka ay diiwaangeliyeen guulo la taaban karo oo ku saabsan xaqiijinta nabadda iyo ammaanka dalka.
Jeneraalka ayaa hadalkan ka jeediyay madal wadatashi oo ku saabsan hirgelinta qorshaha qaran ee 2018 iyo fulinta istiraatiijiyadda shanta sano ee Booliska Federaalka.
Taliyuhu wuxuu sheegay in hay’addu ay guulo wax ku ool ah ka gaartay howlaha la qabtay sanadkii la soo dhaafay, isaga oo xusay in qorshaha shanta sano ee istiraatiijiga ah si guul leh loo fuliyay, islamarkaana sanadaha soo socda dadaallada la xoojin doono.
Sidoo kale, Jeneraal Dhamalaash Gabarmikaa'eel ayaa tilmaamay in Itoobiya sanadkii la soo dhaafay ay ku tallaabsatay horumarro muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada: dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, amniga, dhijitaalka iyo qeybaha kale, taas oo ay Booliska Federaalka qayb weyn ka qaateen iyaga oo diiwaangeliyay guulo waaweyn.
Waxa uu intaas ku daray in Booliska Federaalka ay si gaar ah uga shaqeeyeen xaqiijinta ammaanka iyo nabadda, taas oo horseeday in la gaaro horumaro badan oo la taaban karo.
Ugu dambeyntiina, Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in komishinku si xirfadaysan uga shaqeynayo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka si ay natiijooyin wanaagsan u dhaliyaan, islamarkaana ay sii wadi doonaan dadaalkooda ay ku xaqiijinayaan nabadda iyo ammaanka guud ee dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya