Xisbiyada siyaasadda ayaa door muhiim ah ku leh abuurista nabad waarta iyo wada-tashi qaran – Maxamed Idris - ENA Af-Soomaali
Xisbiyada siyaasadda ayaa door muhiim ah ku leh abuurista nabad waarta iyo wada-tashi qaran – Maxamed Idris

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 16/2017 Xisbiyada siyaasadeed ayaa door weyn ku leh abuurista nabad waarta iyo wada-tashi qaran, ayuu yidhi wasiirka nabadda Maxamed Idris.
Shirweynaha Qaran ee Nabadda oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Golaha Isku dhafka Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya iyo Wasaaradda Nabadda, halku-dhiggiisuna yahay “Doorka Xisbiyada Siyaasadeed ee ilaalinta Nabadda” ayaa bilaabmay.
Madashan ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh, Gudoomiyaha Golaha Wadajirka ee Xisbiyada Siyaasada Itoobiya Solomon Ayele, Madaxda Xisbiyada Siyaasada iyo Hay’adaha Dimuqraadiga.
Wasiirka Nabadda Maxamed Idris ayaa xasuusiyay in tan iyo kacaankii la sameeyay qorshe lagu abuurayo is afgarad qaran oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee qaranka, korna loogu qaado nabadda togan.
Wasaaradda Nabadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhinacyada kala duwan ay kala shaqeyneyso nabadeynta; Waxa uu sheegay in xisbiyada siyaasadda ay door weyn ku leeyihiin sidii nabad waarta loo heli lahaa, loona abuuri lahaa talo qaran.
Waxa uu xusay in hadda dalka ay nabad ka dhalatey iyadoo lagu xalinayo khilaafaadyo ka dhacay degaanno gaar ah iyadoo loo marayo wada hadal nabadeed iyo sharci.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xisbiyada siyaasadda looga baahan yahay inay kaalintooda hormuudnimo ka qaataan sidii nabad waarta loo heli lahaa, iyagoo abuuraya jawi dimoqraadi ah oo aaminsan sareynta ciidamada iyo fikirka.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya'
#Itoobiya