Madal lagaga hadlayay doorka haweenka iyo wacyigelinta dhalinyarada ayaa ka qabsoontay Kulliyadda Maaraynta Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 16/2017 (ENA): Madal lagaga hadlayay doorka haweenku ku leeyihiin ka hortagga dambiyada iyo ka wacyigelinta dhalinyarada fal-dambiyeedyada ka dhaca magaalada ayaa ka qabsoontay hoolka kulamada ee Kulliyadda Maaraynta iyo Adeegga Shacabka DDS.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Hooyooyinka Nabadda Deegaanka oo taageero ka helaya Xafiiska Nabadgelyada DDS ayaa halkudhega madashani ahayd “Dhalinyaradeenu waa lafdhabarta bulshadeena ee aynu ka war hayno.”

Madashan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin, culimaa’udiin, haween, waxgarad, iyo marti sharaf kale, waxaana intii uu socday kulanku si qoto dheer loogu lafaguray arrimo muhiim ah oo taabanaya dhammaan waalidiinta, culimada, hay’adaha amniga iyo bulshada inteeda kale, kuwaas oo si gaar ah diiradda u saarayay wacyigelinta dhalinyarada iyo ka hortagga dambiyada.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee madashani ka hadlay ayaa sheegay in hooyooyinku yihiin laf-dhabarta bulshada, islamarkaana ay door muuqda ku leeyihiin wacyigelinta dhalinyarada, ilaalinta akhlaaqda iyo hagidda mustaqbalka jiilka cusub si loo helo bulsho hagaagsan.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015