Wasaarada iyo hay'adaha ay khusayso ayaa fulin doona adrrgyada iskaa wax u qabso ah oo ay ka faa'iidaysanayaan bulshada ku dhaqan deegaanka Hararida

Harar; Afagaal/Hamle 16/2017 (ENA):- Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada ayaa shaacisay in ay ka hirgelinayso adeeegyada iskaa wax u qabso ee xagaaga oo ay ka faa'ideysan doonaan aqaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Harari. 

Wasiirka Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada Mudane Belete Molla (Dr.) iyo Madaxa Hay'adaha ay khusayso ayaa booqday adeegyada laga bixinayo xarunta daaweynta kaansarka ee fannaan cali birraa.

Xaruntu waxa ay ku fhex taallaa cusbitaalka weyn ee hiwet faana ee ku yaalla magaalada Harar.

Wasiir Belete Molla (Dr.) ayaa booqashadaas ku sheegay in ay wasaaraddu gacan ka geysan doonto xoojinta adeegyada caafimaadka ee laga bixiyo xaruntaas.


 

Roza Cumer oo ah Guddoomiye ku xigeenka dregaanka hararida ayaa sheegtay in xaruntan loogu talagalay adeegyada caafimaadka iyo buktaanka cudirka kaansarka ah, sidaas darteedna loo baahan yahay si la horumariyo adeegyada hadda jira.

Wasiirka Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay dib u dayactiraan guryo ay degan yihiin danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Harari, waxayna ugu deeqeen agabka waxbarashada 500 oo arday.

Madaxda ayaa sidoo kale kormeeray howlaha horumarineed ee ka socda magaalada Harar, waxayna dhir beerista raadka cagaarana ka beereen magaalada harar.

#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015