Itoobiya iyo Shiinaha ayaa xoojin doona iskaashigooda dhinaca Tignoolajiyada Cilmi-baarista Beeraha - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Shiinaha ayaa xoojin doona iskaashigooda dhinaca Tignoolajiyada Cilmi-baarista Beeraha

Addis Ababa; Afagaal/Hamle/2017 (ENA): Itoobiya iyo Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inay sii xoojinayaan iskaashigooda dhanka tignoolajiyada cusub ee cilmi baarista beeraha taasoo kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraha.
Machadka Cilmi-baarista Beeraha ee Itoobiya (EARI) ayaa wadahadal la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Shanghai Jiaotong ee dalka Shiinaha, iyagoo ka wada hadlay arrimo sii xoojin kara iskaashiga.
Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray is-dhaafsiga aqoonta, cilmi-baarista, horumarinta shaqaalaha, tignoolajiyada iyo dhinacyada kale ee iskaashiga, waxaana la saxiixay heshiis is-afgarad ah oo labada dhinac ah.
Agaasimaha Guud ee Machadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Itoobiya Brofessor Nigusse Dejaasa, ayaa sheegay in awoodda Itoobiya ee dhinaca beeraha iyo sida ay diiradda u saarto cilmi-baarista kor u qaadi doonta wax soo saarka.
Wuxuuna u faahfaahiyay wafdiga guulaha laga gaaray beerista qamadiga, isagoo xusay in isbedel lagu sameeyay barnaamijyadii la hirgeliyay ee isku filnaansho dhanka cuntada ah iyadoo la sameeyay go’aamo siyaasadeed oo cilmi baaris ku saleysan.
Waxa kale oo uu sheegay in tignoolajiyada cilmi-baadhista ee laga helay jaamacadda Shanghai Jiao Tong ee dalka Shiinaha ay laba jibaartay wax-soo-saarka beeraha.
Wuxuuna sheegay in machadka cilmi baadhista beeraha Itoobiya uu sii xoojin doono wada shaqaynta uu la leeyahay jaamacada si kor loogu qaado shaqada uu u hayo si kor loogu qaado wax soo saarka beeraha iyo horumarinta tignoolajiyada cusub.
Brofessor Jun Sui oo ah madaxa waftiga ka socda jaamacadda Shanghai Jiao Tong ee dalka Shiinaha ayaa sheegay inay doonayaan inay sii xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin machadka cilmi baadhista beeraha ee Itoobiya.
Waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay leedahay dalagyo kala duwan oo dhanka beeraha ah, isagoo sheegay in ay iska kaashan doonaan cilmi baarista iyo teknolojiyadda si kor loogu qaado tayada iyo qiimaha.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dhinacyo labada dal ay ka abuuri karaan aqoon is dhaafsi, isla markaana ay Itoobiya wax ka baran karto guulaha uu Shiinuhu ka gaaray xaqiijinta sugnaanta cunnada oo joogto ah.
Alganesh Tola (PhD), oo ah Agaasimaha Cilmi-baarista Cunnada iyo Nafaqada ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha ee Itoobiya, ayaa sheegay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono abuuritaanka teknoolojiyadda cusub ee sayniska cuntada.
Waxaa la sheegay in Machadka Cilmi-baarista Beeraha Itoobiya iyo Jaamacadda Shanghai Jiao Tong ee Shiinaha ay wada-shaqeyn lahaayeen in ka badan 6 sano.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya