Waxaa fiiro gaar ah la siiyay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dugsiyada hoose ee deegaanka Canfarta

Samara, Afagaal/Hamle 16/2017 (ENA): Madaxa xafiiska waxbarashada ee deegaanka Musa Adem ayaa sheegay in si wayn looga shaqeynayo balaadhinta iyo kor u qaadida tayada waxbarashada dugsiyada hoose ee deegaanka Canfarta.

Xafiisku waxa uu bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda waxbarashada dugsiyada hoose ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka, kaas oo ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa tayada waxbarashada.

Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee Gobolka Musa Adem oo madasha doodaha ka soo qayb galay ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay mudooyinkii u danbeeyay ay si weyn ugu foojigan yihiin waxbarashada dugsiyada hoose.

Waxa uu sheegay in xoojinta iyo balaadhinta waxbarashada dugsiyada hoose ay saldhig u tahay kor u qaadista tayada iyo horumarka ardayda.


 

Wuxuu sheegay in sanad miisaaniyeedkii dhamaaday in ka badan 44,000 oo arday ay iska diiwaan galiyeen dugsiyada hoose ee ku yaala 503 dugsi oo ku yaala deegaanka; Tani waxay daboolaysaa kaliya 30 boqolkiiba carruurta ku nool deegaanka.

Waxa uu shaaca ka qaaday in uu taageero iyo wada shaqayn ka raadin doono dhinacyada ay khusayso sidii loo furi lahaa dhammaan dugsiyadii hore sanad miisaaniyeedka soo socda.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga wada qayb qaato dadaalada lagu balaadhinayo waxbarashada dugsiyada hoose ee caruurta fiirada gaarka u baahan iyo in daneeyayaashu ay xoojiyaan taageeradooda ku wajahan bixinta agabka.


 

Mudane Ketema Kewey, oo ah khabiir sare oo ka tirsan barnaamijka waxbarashada iyo miiska tayaynta tayada ee wasaaradda waxbarashada oo madasha ka soo qayb galay ayaa sheegay in waxbarashada ka hor dugsiga hoose ay kaalin mug leh ku leedahay horumarinta natiijada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dhaqaale yarida iyo macalimin yaraantu ay caqabad ku noqotay tayada waxbarashada, taasina ay keentay in ay dugsiyada hoose noqdaan 58 boqolkiiba oo kaliya dalka oo dhan.

Mudanw Ketema ayaa sharaxay in la sugi karo sinaanta waxbarashada iyadoo la balaadhinayo waxbarashada ka horeysa dugsiga hoose wuxuuna carabka ku adkeetay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dugsiyada hoose.

Waxaa madasha doodda ka soo qayb galay wakiilo ka socday waxbarashada, caafimaadka, dhalinyarada, haweenka iyo maamulada heer gobol, degmo iyo heer magaalo.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015