Xarunta Caafimaadka Dulcad ee Magaalada Dhagaxbuur oo si rasmi ah u bilowday adeegga - ENA Af-Soomaali
Xarunta Caafimaadka Dulcad ee Magaalada Dhagaxbuur oo si rasmi ah u bilowday adeegga

Dhagaxbuur, Afagaal/Hamle 15/2017 (ENA): – Waxaa si rasmi ah loo bilaabay adeeg-bixinta xarunta caafimaadka ee Dulcad, taasoo si weyn loogu tala galay in bulshada xaafadda 8-aad iyo nawaaxigeeda ay si dhow uga faa’iideystaan adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin uu ugu horreeyo Kuxigeenka Duqa Magaalada Dhagaxbuur, Mudane Cabdixakiin Macalin, iyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Maamulka Magaalada, Mudane Cabdinuur Shariif, kuwaasoo si dhow u kormeeray habsami u socodka adeegyada cusub ee xarunta. Sidoo kale, waxay dhir-beeris ku sameeyeen xarunta, iyagoo muujiyay dadaalka loogu jiro horumarinta deegaanka iyo adeegyada bulshada.
Xarunta caafimaadka ee Dulcad waxay bixisaa adeegyo caafimaad oo kala duwan oo ay ka mid yihiin daaweynta cudurrada kala duwan, adeegyada baadhitaanada, adeegyada hooyada uurka leh, adeegyada dhalmada iyo daryeelka ilmaha, adeeg 24-saac ah oo ay diyaar u yihiin shaqaale caafimaad oo xirfad leh.
Maamulka magaalada Dhagaxbuur wuxuu si gaar ah ugu wargelinayaa shacabka ku dhaqan xaafadda 8-aad iyo agagaarkeeda in ay si buuxda uga faa’iideystaan adeegyada caafimaad ee xarunta Dulcad, iyadoo la xasuusinayo in loo baahan yahay in ay la yimaadaan kaarka caymiska caafimaadka si ay ugu helaan adeegyada si fudud.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya