Wafti ka socda safaaradda Japan iyo UNFPA ayaa soo kormeeray adeegyada cusub ee Cusbitaalka Kaaramardha

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 15/2017 (ENA)Masuuliyiinta Xafiiska Caafimaadka DDS iyo wafti sare oo ka kala socday safaaradda Japan ee dalka Itoobiya iyo Hay'adda UNFPA ayaa soo kormeeray adeegyada caafimaad ee lagu soo kordhiyay cusbitaalka Kaaramardha ee ay dhinacyadu iska kaashadeen.

Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muuse Axmed oo ay weheliyaan safiirka Japan ee dalka Itoobiya Danjire Shibata Hironori iyo Madaxa Hay'adda UNFPA Mudane Coffi Kouame ayaa kormeer iyo indho indhayn ku soo maray goobaha adeegbixinta caafimaadka ee hooyooyinka iyo dhalinyarada si kor loogu qaado dadaallada ka hortagga iyo ka jawaabista tacadiyada ka dhanka ah jinsiga.


 

Xafiiska caafimaadka ee Deegaanka, safaaradda Japan ee dalka iyo Hay'adda UNFPA oo iskaashanaya ayaa cusbitaalka Kaaramardha ku soo kordhiyay qalabka lagama maarmaanka u ah hooyada xilliga uurka iyo dhalmada kuwaas oo ay bulshadu baahi weyn u qabtay.

Adeegyada la soo kormeeray ayaa waxaa sidoo kale ka mida baabuurka wareega ee adeegyada aasaasiga ahi u dhamaystiran yihiin, kaasi oo loogu talogalay in uu gaadhsiiyo gargaar caafimaad bulshada reer guuraaga ah ee ku nool meelaha fog isla markaasina uu soo kordhiyay Xafiiska Caafimaadka DDS oo taageero ka helaya bahwadaagtiisa.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015