Waxaa Fiiro Gaar Ah La siinayaa Sidii Loo Rumayn Lahaa Himilada Afrika ee ciribtirka Karti La'aanta akhriska, qoraalka iyo xisaabta Caruurta - Midowga Afrika

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 15/2017 (ENA): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shaqeynayo sidii loo cirib tiri lahaa karti la'aanta caruurta afrkia ee aqriska, qoraalka iyo cisaabta matka la gaaro sanadka 2035-ka T.Y.

Siminaar heerkiisu sareeyo oo daneeyayaal ah oo ku saabsan kartida akhriska qoraalka iyo xisaabta iyo xisaabta caruurta Afrika ayaa la qaban doonaa Afagaal/Hamle 15 - 16, 2017 T.I, xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu falanqeyn doonaa siyaabaha lagu sii dardargelin karo dadaallada wax looga qabanayo caqabadaha akhris iyo qoraalka ee haysta carruurta ka yar 10-ka sano ee Afrika. 

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa kulmi doona wakiillo farsamo, khubaro dhanka waxbarashada ah, ururrada bulshada rayidka ah, cilmi-baarayaal iyo la-hawlgalayaal horumarineed oo ka kala socda 25 dal oo ka tirsan Midowga Afrika.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa qayb ka ah hirgelinta istaraatiijiyadda waxbarashada ee Midowga Afrika, sida uu Midowga Afrika sheegay.

Istaraatiijiyadu waxay diiradda saaraysaa horumarinta farbarashada aasaasiga ah, xisaabinta, xirfadaha bulshada iyo dareenka ee caruurta.

La tashiga daneeyayaasha ayaa bixin doona talooyinka ku saabsan hababka ugu fiican iyo caqabadaha horumarinta waxbarashada iyo xirfadaha carruurta Afrika. 

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in la tashiyo laga yeelan doono sidii dhaqamada wax ku oolka ah loogu biirin lahaa siyaasadaha waxbarashada qaaradda.

Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu sidoo kale qayb ka yahay ballanqaadkii Midowga Afrika ee ahaa in meesha laga saaro karti-la'aabta akhriska iyo qoraalka marka la gaaro sannadka 2035-ka T.Y.

Himilladani waxay si cad uga muuqataa Bayaankii Nuwaaqshat, kaas oo dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay ku ballanqaadeen xoojinta waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha, iyo Hindisaha AU 10-Sano ee Waxbarasho (2025-2034).

Itoobiya, oo xubin ka ah wada-tashiga qaaradda, waxay ku guulaysatay natiijooyin la taaban karo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta xirfadaha aasaasiga ah ee wax-akhriska carruurnimada hore.

Wasaaradda waxbarashadu waxa ay tusaale u soo qaadatay in carruurtu ay afkooda hooyo wax ku bartaan xilliga ay ku jiraan waxbarashada carruurnimada. 

Waxa kale oo ay hirgelisay habab kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada ay khusayso, oo ay ka mid yihiin xoojinta barnaamijyada tababarka macallimiinta iyo barnaamij dhammaystiran oo horumarinta tayada waxbarashada ah.

Ugu danbayntii, Dadaalladan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay hoos u dhigeen karti la'aanta akhriska ee heerarka ugu hooseeya ee waxbarashada Itoobiya, iyo isbadalka laga arkay miyiga ayaa ah mid dhiirigelin leh.

#Itoobiya #Wakaalladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015