Golaha Baarlamaanka Ismaamulka Diridhabe ayaa fadhigoodii caadiga ahaa yeelanaya 17-ka iyo 18-ka bishan Afagaal/Hamle

Diridhaba; Afagaal/Hamle 14/2017 (ENA): Afhayeenka Golaha Ismaamulka Dirdhabe Marwo Fadxiya Aaden ayaa sheegaty in golaha ismaamulka ee Diridhaba uu yeelanayo kalfadhigiisii 10-aad ee joogtada ahaa iyo kii 3-aad ee sannad-shaqeedkii 4-aad 17-ka iyo 18-ka bishan.

War-saxaafadeed ay Afhayeenku maanta siisey warbaahinta waxa ay ku tidhi; Goluhu wuxuu dib u eegis ku samayn doonaa oo ansixin doonaa warbixinta waxqabadka sanadlaha ah ee fulinta iyo adeegyada dawladda hoose.

Kalfadhigan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in Duqa magaalada Khadiir Jawhar uu golaha horgeeyo waxqabadyadii ugu muhiimsanaa ee laga qabtay dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda sannad miisaaniyeedkan lasoo gabagabeeyay.

Waxa kale oo ay sheegtay in goluhu uu kaliya dib u eegis ku samayn doonin waxqabadka hay’adaha la xisaabtanka golaha, balse ay ka doodi doonaan isla markaana ansixin doonaan qorshayaasha iyo jihooyinka sanadka soo socda.

Waxa kale ay sheegtay in goluhu sidoo kale ansixin doono miisaaniyada hawl-fulinta ee sanad miisaaniyeedka 2018-ka.

Waxa kale oo ay sheegtay in golaha laga sugayo inay ansixiyaan xeerar kala duwan oo qabyo ah iyo magacaabisyo kala duwan.

#Itoobiya #Wakaalladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015